“Waxaan jeclahay marwalba inaan garaacno Real Madrid” – Diego Godin

(Madrid) 17 Maaj0 2016 Kabtanka kooxda Atletico Madrid Diego Godin ayaa ka hadlay kulanka final-ka Champions League iyo ku guulaysigii Barcelona ee horyaalka.

Diego Godin ayaa sheegay in kooxdiisu ay dareemi lahayd xanuun kabadan kan haatan ay dareemayso haddii Real Madrid ay ku guulaysan lahayd horyaalka xiliciyaareedkii dhamaaday.

“Ku guulaysiga horyaalka ee Barcelona waa ay ka xanuun yartahay ku guulaysiga Real Madrid” ayuu u sheegay Diego Godin idaacada Cadena Cope.

“Real Madrid waa cadawgeena koowaad ee aan isku magaalada nahay, inbadan ayaan ixtiraamaa Real, ma necbi laakiin waxaan jeclahay in marwalba aan garaacno”.

“Tijaabo ayaan ka qaadanay kulankii Lisbon, sifiican ayaan u garanaynaa sidii aan uga hortagi lahayn Real, kooxdu xaalad fiican ayeey ku jirtaa, waxaan kula tartami doonaa 150%”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close