“Haddii kubadda cagtu ay leedahay cadaalad Atletico ayaa ku guulaysan doonta Champions League” – Gianluigi Buffon

(Milan) 17 Maajo 2016 Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa ka hadlay kulanka lawada sugayo ee Final-ka Champions League kaas oo u dhexeeya Real Madrid iyo Atletico.

Gianluigi Buffon ayaa sheegay in haddii kubadda cagta ay cadaalad ka jirto ay Atletico ku guulaysan doonto Champions League kadib markii nasiib looga qaaday kii hore.

“Haddii ay jirto cadaalad dhanka kubadda cagta ah Atletico Madrid ayaa ku guulaysan doonta Champions League” ayuu yiri Gianluigi Buffon.

“Atletico waxaa looga adkaaday Final-kii Lisbon qaab ay ku jirto nasiib daro kadib goolkii Sergio Ramos ee 93 daqiiqo laga dhaliyay”.

“Waan rumaysanahay inbadan fursadaha saamaynta leh ee ay ku siinayso nolosha laakiin Atletico xaalku waa uu ku adagyahay maadama ay ka horjeedaan Real oo ka khibrad badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close