EPL: Manchester United oo guul ku soo xirtay horyaalka Premier League, markii ay Old Trafford ku garaacday Bournemouth + Sawirro

(Manchester) 18 Maajo 2016 – Manchester United ayaa guul ku soo gabagabaysay horyaalka Premier League, markii kulankii ugu dambeeyey horyaalka Ingiriiska ay guul 3-1 ka gaartay naadiga Bournemouth oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah u seegtay kaalinta afaraad, inkastoo ay dhibcaha la wadaagaan dariskooda Man City, haddana farqiga goolasha ayaa Sky Blues u horseeday inay xilli ciyaareedka dambe u soo baxaan Champions League.

Kabtan Wayne Rooney ayaa 43’ daqiiqo dhammaadkii qeybtii hore goolasha u daah ragay Man United, kaddib markii uu gool u bedelay caawin uu ka helay Anthony Martial, kaasoo ahaa goolkiisii 100-aad ee uu Rooney ku dhaliyo Premier League garoonka kooxdiisa ee Old Trafford, sidaas ayaana lagu kala nastay Man United oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 1-0.

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay ayey Man United duulaankeeda sii wadatay, waxaana goolka labaad ay ka heshay Man United 75’ daqiiqo da’yarka Marcus Rashford, kaasoo dhamaystiray shaqo fiican oo uu soo qabtay Antonio Valencia.

Ashley Young oo ciyaarta badal ku soo galay, kaasoo lagu soo badalay Anthony Martial ayaa markii uu ciyaarta saddex daqiiqo kaliya ku jiray 87’ daqiiqo kooxdiisa u dhaliyay goolka saddexaad, waxaana ka caawiyey kabtan Wayne Rooney.

Man United oo ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0 ayaa waxaa daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray kulankan gool madi ah heshay kooxda Bournemouth, kaddib markii uu kama’ gool iska dhaliyey Chris Smalling, kaasoo goolhaye De Gea ka hor joogsaday inuu gacamo gashiga dahabka ah (Golden Glove) la wadaago Petr Cech.

Kulankan oo ahaa kii ugu dambeeyey xilli ciyaareedkan 2015/16 horyaalka Premier League ayay Man United guul 3-1 ku soo gabagabaysay.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

11

Cir8BI0XEAAkqww

Cir8GhSWEAAyzYU

Cir8IQ9WgAE7Wcb

Cir8IRPWsAAKvtB

CiruSP-WsAAw1tK

CiruT_SXAAQnV0l

CiruVdhWYAAFdfJ

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close