Waa sidee dareenka Theo Walcott kaddib markii laga reebay xulka England ee Euro 2016?

theo

(England) 16 Maajo 2016. Tababare Roy Hodgson ayaa maanta xushay shaxdiisa 26-ka xiddig ee xulka England u matalaya koobka Euro 2016 ee dhawaan ka furmi doona dalka Faransiiska.

Laakiin waxaa boos looga waayay shaxda laacibka dheereeya ee kooxda Arsenal Theo Waclott kaa oo afar jeer ka soo muuqday xulka saddex goolna u dhaliyay intii lagu guda jiray isreeb-reebka loogu soo baxayay tartankan.

“Dabcan waan niyad jabsanahay inaan ka mid noqon waayo shaxda, laakiin waan la hadlay tababare Roy waxaana tix galinayaa go’aankiisa,” Walcott ayaa sidaa ku yiri boggiisa Tiwtter-ka.

“Waxaan u rajeynayaa Roy iyo dhammaan xulka nasiib kan ugu wacan inay guul ka gaaraan Euro.”.

Sikastaba, 27-jirka reer England ayaa ka soo muuqday kal ciyaareedkan Premier League 15-kulan oo qura waxa uuna shabaqa tagay 5-jeer.

 Theo1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close