Waa lagu guuleystay qalliinkii Marco Verratti..(Kooxda iyo laacibka oo hadlay)

marco1

(Paris) 16 Maajo 2016. Kubbad qaabeeyaha PSG Marco Verratti ayaa maray qalliin gumaarka ah, waxayna xaqiijineysaa kooxda reer France inay howshu u dhacday sidii loo qorsheeyay.

23-jirka reer Talyaani ayaa dhaawacan ku seegi doona tartanka Euro 2016, laakiin waqtiga fasaxa ee laga maqan yahay horyaalka ayuu ku qaadan karaa iminka baxnaanintiisa.

“Qalliinka wuxuu ahaa mid guuleystay,” Warbixin ay soo saartay kooxda ayaa sidaa lagu yiri.

“Paris Saint-Germain waxay u rajeynaysaa Marca soo kabshasho dhaqsi leh waxayna xiiseynaysaa inay aragto isagoo dib ugu soo laabtay sidiisii ugu fiicnayd kooxda iyo dalkaba.”.

Marco

Marco Verratti ayaa isna soo qoray: “Si fiican ayuu u dhacay qalliinka. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahad noqo qofkasta oo i taageeray intii lagu guda jiray bilooyinkan, reerkeyga, saaxiibadeyda, saaxiibadeyda kooxda, sidoo kale dhamaan saaxiibada Istagram kuwaa oo fariimahooda iga yeelay inaan dareemo inaan muhiim ahay xitaa marka aan garoomada ka maqanahay.

“Waxaan bixin doonaa wax kasta iyo wax dheeri ah si aan u soo laabto sida ugu dhaqsiyaha badan.”.

Veratti ayaa saftay sideed kulan oo qura dhammaan tartamada tan iyo sidii uu dhashay sanadkan, iyadoo kulankiisii ugu dambeeyay uu ahaa ciyaar ay PSG 4-0 uga adkaatay Rennes 29-kii Abriil.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close