“Mario Gotze waa uu na caawin karaa” – Roberto Firmino

(Liverpool) 16 Maajo 2016 Laacibka reer Brazil ee kooxda Liverpool Roberto Firmino ayaa soo dhaweeyay in kooxdiisu ay la soo wareegto laacibka Bayern Munich ee Mario Gotze.

Gotze ayaa loo sheegay inuu raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah xiliciyaareed ka dambe kadib markii uu tababare Ancelotti kala hadlay fursada uu boos joogto ah uga heli karo Bayern.

Roberto Firmino oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Bild ee dalka Germanka ayaa ka hadlay wararka Liverpool la xiriirinaya Mario Gotze wuxuuna yiri:

“Si fiican ayaan u garanayaa Mario Gotze xiligii aan joogay Germanka, wuxuu leeyahay tayo dhanka weerarka ah oo aan la rumaysan karin”.

“Waxaan aaminsanahay inuu leeyahay tayo uu si fiican ugula qabsan karo Liverpool, marka aan fiirino tayadiisa wuxuu awoodaa inuu nacaawiyo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close