Jamie Vardy oo iska iibinaya Baabuurkiisii hore… (Meeqa ayaad ku heli kartaa Gaariga Verdy?) + Sawirro

(Liecester) 16 Maajo 2016 – Weeraryahanka kooxda Liecester City ee Jamie Vardy ayaa suuqa soo dhigay Baabuurkiisii hore ee Mercedes ahaa, kaasoo ciddii doonaysa ay ku iibsan karo £38,500 (Soddon iyo saddeed kun iyo shan boqol oo gini).

Xiddigan kooxdiisa xilli ciyaareedkan gula guuleystay horyaalka Premier League ee Jamie Vardy ayaa gaariga uu iska iibinayo noociisu yahay Mercedes C63 AMG muscle car, kaasoo uu iibsaday sanadkii 2013-kii.

Vardy waxa uu gaarigan uu hadda iska iibinayo gatay markii ay kooxdiisa Liecester City ka ciyaaraysay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska.

Baabuurkaan oo socday 14,000 mile (Afar iyo toban kun oo mayl) ayuu soo dhigay Vardy barta Internet-ka ee Auto Trader, waxaana uu ku rabaa £38,500.

Taageerihii Liecester City ah ee iibsadaha Baarbuurkaan ayaa waxa ay u tahay xusuus gaar ah, maadaama ay markii ugu horraysay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen horyaalka Premier League taariikhda.

Hadda waa uu ka maarmay Baabuurkaan uu iska iibinayo Vardy, maxaa yeelay waxa uu ku socdaa Gaari nuuciisu yahay Bentley Continental GT oo qiime ahaan jooga $200,000 (Labo boqol oo kun oo doollar).

Jamie Vardy ayaa dhaliyey 24 gool xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa in lagu daro liiska ciyaartoyda Ingiriiska ee tartanka Euro 2016.

SAWIRRO:

Gaariga uu iska iibinayo Vardy:

Jamie-Vardy1

Jamie-Vardy

Vardy-car

Jamie-Vardy4

Jamie-Vardy5

Gaariga uu haatan ku socdo Vardy hoos ka eeg:-

Gaari-cusub

Gaari-cusub1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close