DAAWO: Wiilka Cazorla oo ka yaabsaday ilmaha yar yar ee ciyaartoyda kale ee Arsenal

(London) 16 Maajo 2016 5 jirka uu dhalay laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Santi Cazorla ayaa ka yaabiyay qaar kamid ah ciyaartoyda Arsenal iyo ilmaha ay dhaleen.

Enzo Cazorla ayaa kubadd la dhex qaaday ciyaartoyda Arsenal iyo ilmahooda wuxuuna soo muujiyay inuu yahay xirfadle ku soo wajahan kubadda cagta.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ee barta Twitter-ka ayaa ku kaftamay in Enzo Cazorla uu ka fiican yahay qaar ka mid ah ciyaartoyda haatan ka ciyaara horyaalka ingiriiska.

Enzo ayaa xirfadiisa ku soo bandhigay garoonka Emirates kadib dhamaadkii kulankii ay Arsenal 4-0 uga adkaatay Aston Villa xili ciyaartoydu ay ladabaal dagayeen taageerayaasha.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close