Claudio Ranieri oo ka hadlay kooxda uu jecelyahay inay ku guulaysato Champions League

(Madrid) 16 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa ka hadlay kooxda uu jecelyahay inay hanato Champions League xiliciyaareed kan.

Kooxaha reer Madrid ee Real iyo Atletico ayaa wada ciyaari doona kulanka Final-ka Champions League 28-ka bishaan kadib markii ay ka soo kala adkaadeen Man City iyo Bayern Munich.

Claudio Ranieri oo ra’yigiisa ka dhiibtay kulankaas ayaa sheegay inuu jecelyahay in Atletico Madrid ay ku guulaysato Champions League maadama ay la tartamayaan koox qarash garaysay lacago badan.

“Waxaan doonayaa in Atletico ay ku guulaysato Champions League, anaga ayeey noo egyihiin, lacag yar ayeey kula tartamayaan waxyaabo badan” ayuu yiri Claudio Ranieri.

“Ma garan karo kooxda qaadi doonta koobka laakiin Atletico waa inay muujiyaan dadaal badan si ay u gaaraan masraxa lagu bixiyo koobka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close