N’Golo Kante oo doortay kooxdii uu ku biiri lahaa xaggaagan (Waa tee?)

(London) 15 Maajo 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Leicester City N’Golo Kante ayaa la soo sheegayaa inuu doortay kooxdii uu ku biiri lahaa dhamaadka xiliciyaareed kan.

N’Golo Kante ayaa diirada u saaran kooxaha Arsenal, Chelsea, Man City iyo PSG kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay xiliciyaareed kan.

Wararka ka imaanaya faransiiska ayaa sheegaya in N’Golo Kante uu doortay ku biirida kooxda macalin Arsene Wenger suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

25 jirkaan reer France ayaa lagu heli karaa qiimo dhan 20 milyan oo Ginni, waxaana la sheegay in tababare Wenger uu si shaqsi ah u doortay la soo wareegida N’Golo Kante.

Arsenal ayaa galabta macsalaamayn doonta Rosicky, Arteta iyo Flamini, taas ayaana ku qasbaysa inay u dhaqaaqdo soo xero galinta Xhaka iyo Kante.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close