Mario Gotze oo layaaban sida saxaafadu ay ku heshay hadalkii dhex maray isaga iyo Ancelotti

(Munich) 15 Maajo 2016 Laacibka kooxda Bayern Munich ee Mario Gotze ayaa layaabay sida saxaafadu ay ku heshay hadalkii dhanka taleefanka ee dhexmaray isaga iyo tababare Carlo Ancelotti.

Bild ayaa baahisay in Ancelotti uu taleefan kula hadlay Mario Gotze isla markaana uu  u sheegay inuu raadsado koox uu ka helayo boos joogto ah suuqa xaggaagan.

Liverpool ayaana loo badinayaa inuu u dhaqaaqi doono Gotze dhamaadka xiliciyaareed kan maadama uu doonayo inuu la midoobo tababarihiisii hore.

Mario Gotze oo layaabay sida saxaafadu ay ku heshay hadalkii dhex maray isaga iyo Ancelotti ayaa yiri:

“Ma garan karo sida saxaafadu ay ku ogaatay arinkaas, sidoo kale ma garanayo inuu jiray qof kale oo dhagaysanayay hadalkeena”.

“Dad yar ayaa ogaa wixii aan kawada hadalnay, iyaga ayaana ogaa wixii uu iyiri, heshiis ilaa 2017 ayaan kula jiraa Bayern, kulan muhiim ah ayaanan leenahay dhamaadka isbuucaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close