Kooxdee ayeey Barcelona la ciyaari doontaa Super Cup-ka Spain?

(Barcelona) 15 Maajo 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa shaaciyay waqtiga la ciyaari doono Super Cup-ka Spain ee bilowga xiliciyaareedka soo socda.

Hanashadii Barcelona ee horyaalka Spain ayaa ka dhigtay Sevilla inay noqon doonto kooxda ay kuwada kulmi doonaan Super Cup-ka Spain.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa shaaciyay in kulanka Super Cup-ka ee u dhexeeya Sevilla iyo Barcelona la ciyaari doono bisha August ee sanadkaan.

Lugta hore ayaa la ciyaari doonaa 12-ka August, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Sevilla ee Ramón Sánchez Pizjuán.

Lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa 15-ka August waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Barcelona ee Camp Nou.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close