DHEGEYSO: Gool FM oo sanad-guuradeeda 4-aad ku waraysatay ashkhaas caan ah…Hereri, Colombo, Sola, Baafo, Sunni, Rashka, Inj. Baana, Laylo Muuse iyo qaar kale.

(Gool FM) 15 Maajo 2016 – Warbaahinta ciyaaraha dalka ee Gool FM oo ka kooban idaacad, Website, TV ama muuq baahiye iyo qaybo kale ayaa maanta u dabaal degeysa sanad guuradeedii 4-aad ee kasoo wareegtey aasaaskeeda.

Haddaba si aannu maalintan oo micne wayn ugu fadhida warbaahinta Gool FM u wayneeyno waxaannu waraysiyo xiise badan ka qaadnay shakhsiyaad caan ah oo iskugu jira weriyeyaal sport oo ay qaarkood ciyaari jireen qaarna ay wax ka qoraan isla markaana lafa guraan iyo madax ka tirsan iyo isboortiga umadda umadda Soomaaliyeed.

Waxaa barnaamijkan gaarka ah dadka noogu warrami doona ka mid ah Injinneer Baana Cabdalla Cali xoghayihii hore ee Xiriirka kubadda Koleyga Soomaaliya, kaasoo dhowaanna ka fariistay FIBA Afrika oo uu ka ahaa madaxa suuq-gaynta iyo saxaafada. Waxaan sidoo kale waraysannay Maxamed Cabdullaahi Cali oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta

Waxaana weriyayaasha caanka ah ee ka qayb qaadanaya waxaa ka mid ah:
Cabdi Nasir Ismaaciil Sola
Ibraahim Cumar Baafo
iyo Cabdi Salaam Ibrahim Hereri
Laylo Muuse Ibraahim
Cabdullaahi Nuur Maxamed (Colombo)
Sunni Siciid Saalax
Cabdi Rashiid Cabdi Axmed (Rashka)

Waxaana waraysiyada qaadaya Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha GoolFM.net ee hoos ka dhegeyso.

 

Journalists

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close