DHEGAYSO:Tifaftiraha wabseetka GoolFm.net Maxamed Xaaji oo ka warbixiyay horumarka balaaran ee uu wabka ku talaabsaday afartii sano ee lasoo dhaafay

13250405_1136015723085714_1382600575_n

(Gothenburg)16 Maajo 2016.Tifafiraha wabseetka idaacada cayaaraha ee Goolfm.net Maxamed Xaaji Xuseen Raage oo marti ku ahaa barnaamij qaas ah oo looga hadlaya wax qabadka guud ee Idaacada afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa si qote dheer ugu warbixiyay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray wanseetka bilowgiisii 15-Maajo 2012 isaga oo sheegay in shaqaalaha wabseetka dhamaan u dhbar adeegeen sidii uu u noqon lahaa kan koowaad ee Soomaaliya.

Sidoo kale Tifafiraha wabseetka idaacada cayaaraha ee Goolfm.net Maxamed Xaaji Xuseen Raage ayaa waxaa uu aad ugu mahad celiyay aqristayaasha faraha badan ee nus milyan ah ee maalinkii kaliya soo booqda wabseetka iyo kuwa kaga xiran barteena Facebooka oo ku dhow 90,000 oo taageere waana tan ugu badan warbaahinta gudaha.

Hadaba waraysi dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa la yeeshay Wariye Cabdulaahi Baliil isaga oo wax ka wayn diin doona hadii ay jiraan adeegyo kale oo wabka lagu soo kordhin doono.

HALKAN KA DHEGYSO WARYSIGAMAXAMED  XAAJI

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close