DEG DEG: Kulankii Man United iyo Bournemouth oo dib loo dhigay iyo cabsi laga dareemayo Old Trafford

(Manchester) 15 Maajo 2016 Kulankii u dhexeeyay kooxaha Man United iyo Bournemouth ayaa dib loo dhigay 45 daqiiqo kadib xaalad dhanka amaanka ah oo la shaaciyay.

Saraakiisha amaanka ee garoonka ayaa ku wargaliyay dhamaan taageerayaasha inay baneeyaan garoonka oo ay u baxaan dhanka baakinka baabuurta.

Kooxda ayaa goor dhaw shaacisay inay heshay boorso laga shakisanyahay oo aan ilaa haatan la xaqiijin karin waxa ku dhex jira.

Taageerayaasha ayaana haatan banaan joog ka ah waxa ka socda gudaha garoonka Old Trafford, boosliiska ayaana haatan shaaciyay in la joojiyay kulankii u dhexeeyay Man United iyo Bournemouth.

Booliiska oo cod baahiyayaasha kula hadlaya taageerayaasha ayaa ku wargaliyay in laga fogaado garoonka waxaana laga baqayaa inay dhacaan qaraxyo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close