Dani Alves oo ka sara maray Pele, baal dahabi ahna ka galay taariikhda kubadda cagta

Dani Alves overtakes Pele as the most successful Brazilian

(Barcelona) 15 Maajo 2016 Daafaca reer Brazil ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa ka saramaray halyeeyga reer Brazil ee Pele kaas oo ahaa laacibka ku guulaystay koobabka ugu badan.

Pele oo kubadda cagta ku soo guda jiray 20 sano ayaa ku guulaystay 29 koob koox iyo xul intaba wuxuna ahaa laacibka kaliya ee ka soo jeeda Brazil kuna guulaystay koobab intaas la eg.

Laakiin Dani Alves ayaa xalay jabiyay rikoorkii u yaalay Pele wuxuuna noqday laacibka ugu koobab guulaysiga badan ciyaartoyda ka soo jeeda dalka Brazil.

Horyaalkii xalay ay Barcelona ku guulaysatay ayaa ka dhignaa koobkii 30-aad ee Dani Alves uu ku guulaysto xirfadiisa kubadda cagta.

Sidoo kale laacibkaan ayaa sameeyay caawintiisii 100-aad ee La Liga kulankii xalay, waana laacibka 3-aad ee ugu caawinta badan La Liga marka laga soo tago Messi iyo Figo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close