Cristiano Ronaldo oo niyada u dajiyay taageerayaashiisa: Waan caafimaad qabaa”

(Madrid) 15 Maajo 2016 Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa niyada u dajiyay taageerayaashiisa kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii xalay.

Ronaldo ayaa laga saaray ciyaarta kadib markii uu Real Madrid u dhaliyay 2-gool kulankii xalay ay ku xaqiijiyeen inay booska 2-aad uga jiraan kala saraynta horyaalka Spain.

Cristiano Ronaldo oo ka siibaxaya garoonka ayaa la waydiiyay sida ay tahay xaaladiisa wuxuuna ku jawaabay: “Ma ahan in la walwalo, waan caafimaad qabaa” sida laga soo xigtay AS.

Dhanka kale tababare Zidane oo ka hadlay dhaawaca Cristiano Ronaldo ayaa yiri:

“Ronaldo waxaa jug culus looga dhiftay anqawga, laakiin ma qabo wax dhaawac ah”, Ronaldo ayaana la filayaa inuu taam buuxda u noqdo Final-ka Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close