Allegri oo si shaqsi ah ula xiriiray Miralem Pjanic si uu ugu qanciyo ku soo biirida Juventus

(Turin) 15 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa si toos ah ula xiriiray laacibka kooxda Roma iyo xulka Bosnia Miralem Pjanic si uu ugu qanciyo u soo dhaqaaqida Torino.

La Gazzetta dello Sport ayaa ogaatay in maamulka kooxda Juventus ay ogolaadeen inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Miralem Pjanic kaas oo ah 38 milyan oo euro.

Allegri ayaana isku dayaya inuu ku qanciyo Pjanic ku soo biirida kooxdiisa Juventus dhamaadka xiliciyaareed kan kadib markii ay hanteen horyaalka markoodii 5-aad oo xiriir ah.

Maalmo ka hor ayeey ahayd markii Roma ay beenisay in Juve ay dalab ka soo gudbisay laacibkooda Miralem Pjanic.

Juventus ayaase loolan adag kala kulmaysa kooxaha Bayern Munich, Barcelona iyo PSG oo dhankooda doonaya saxiixa 26 jirka reer Bosnia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close