Zlatan Ibrahimovic oo qarka u saaran inuu xirto funaanada Man United

(Manchester) 14 Maajo 2016 Kooxda Man United ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa weerar yahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic kaas oo caawa ciyaari doona kulankiisii ugu danbeeyay ee horyaalka faransiiska.

BeIN Sport qaybteeda Faransiiska ayaa caawa shaacisay in Man United ay aad ugu sii dhawaanayso saxiixa Zlatan Ibrahimovic kadib markii uu shaaciyay inuu katagi doono kooxdiisa PSG.

United ayaa u muuqata mid uga adkaatay kooxda ka ciyaarta MLS-ka maraykanka ee Los Angeles Galaxy saxiixa Zlatan Ibrahimovic.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda reer ingiriiska ayaa lafilayaa inay heshiis rasmi ah lagaarto kabtanka xulka Sweden  maalmaha nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close