Zinedine Zidane oo fasax siinaya ciyaartoydiisa ka hor Final-ka Champions League

(Madrid) 14 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaciyay inuu fasax siinayo ciyaartoydiisa kadib markii caawa laga qaaday horyaalka.

Zinedine Zidane ayaa sheegay in Final-ka ay ka harsantahay 15 maalin sidaas darteedna uu fasax laba maalin ah siinayo ciyaartoyda si ay u hilmaamaan guul daradii dhanka horyaalka.

“Waxaan nasiib u yeelanay inaan ciyaarno Final-ka Champions League, haatan waa inaan qaadanaa xoogaa nasiino ah, waxaa horteena ah 15 maalin oo aan ugu diyaar gaoobi karno Final-ka” ayuu yiri Zinedine Zidane kadib dhamaadkii ciyaarta.

“Haatan waa inaan nasanaa oo aan kor u qaadnaa macnawiyaadkeena maadama aan niyad jab dareemayno, laakiin Barcelona waa ay u qalantay hanashada horyaalka”.

“Waxba ma badali doono, haatan waxaan aadi doona fasax laba maalin ah oo aan la soo qaadano qoysaskeena, waana inaan ka fogaanaa xoogaa kubadda cagta ka hor inta aanaan u diyaar garoobin Final-ka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close