Real Madrid oo dabaal degi doonta haddii ay La Liga ku guuleysato caawa, laakiin Barca looma ogola dabaal deg….(Maxay tahay sababta?)

(Spain) 14 Maajo 2016. Waxaa caawa fiidka hore la go’aamin doona cidda ku guuleysanaysa horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan Ma Barcelona mise Real Madrid.

Catalans oo hal dhibic dheer Los Balancos ayaa la ciyaari doonta Granada halka Real Madrid ay la ciyaari doonto kooxda Deportivo.

Haddaba waxaa la soo warinayaa in kooxda Barcelona laga ganaxaay inay si wayn ugu dabaal degto magaaladeeda haddii ay ku guuleysato horyaalka La Liga caawa sababo lagu sheegay amniga dartii.

Sababaha amni darada ayaa lagu sii kala sheegay in marka hore ay kooxda soo gaari doonto Barcelona 11pm waana waqti dambe aan ku habooneyn dhacdadaa dabaal dega.

Tan kale waxay ku beegmeysaa dhammaadka showga uu garoonkooda Camp Nou ku qabanayo Bruce Springsteen.

Waxaa midaa sii dheer inay magaalada Barcelona ku qabsoomeyso tartanka baabuurta Formula One Grand Prix, sidaa darteed Barca ayaa lagu wadaa inay dabaal degeeda dib u dhigto ilaa final-ka Copa del Rey oo ay ciyaari doonaan 22-ka bisha, iyagoo wada kulmin doona dabaal degga labada koob.

Dhanka kale Real Madrid ayaa eegeysa suuro galnimada dabaal deg wayn oo ay ku horqabato taageerayaasheeda Bernabue hortooda kaddib kulanka caawa oo ay safar u tahay Deportivo waa haddii ay ku guuleystaan La Liga fiidkii.

La Liga waxay caawa ku qaadi kartaa Real Madrid inay badiyaan isla markaana laga badiyo amaba bar-baro lagu celiyo kooxda Barcelona.

dabaal deg1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close