RASMI: Yahya Toure oo ku biiray kooxda Caen

(Paris) 14 Maajo 2016. Yahya Toure waxa uu u saxiixay Caen.

yayer-300x199

Waayo horumar ah ayey u ahayd bur buriyaha ; isaga oo saddexddii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ku sugnaa Amiens, halkaas oo uu ka noqday kabtanka kooxda 17-jirada da’dooda ka hooseyso, hada waxa uu helay qandaraaskiisa ugu horeeyey ee rasmi ah.

Hada Caen oo ku jirta kaalinta sideedaad eek ala sareynta Ligue 1, Caen waxa la filayaa in ay si wanaagsan ku dhameyso ololeheed.

Iyada oo xagaagii hore N’Golo Kante ka iibisay Leicester, kooxda reer France waxa ay suuqa ugu jirtay badalkiisa, Yahya waa mid buuxin kara kaalintaas –  sidoo kale waxa uu jir ahaan u egyahay Kante.

Waxaa la siiyey maaliyada 6-aad taas oo uu hore uga xiran jray kooxdiisii Amiens, Yahya shalay ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay.

Bur buraha mustaqnalka leh waxa uu ku naanees yahay xiddiga Manchester City ee Yahya Toye.

Walow ay magaca wadaagaan hadana dhab ahaantii laguma qaldami karo, kee baa kee ah!

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close