Luke Shaw ma safan doonaa kulanka Fiinaalaha FA Cup? Van Gaal ayaa war arintaas ku saabsan xaqiijiyey

lukeshaw-cropped_dydk4mwkuoe31ffn69t2axsj5

(Manchester) 14 Maajo 2016. Tababaraha Manchester United Louis Van Gaal waxa uu xaqiijiyey in Luke Shaw uusan ciyaari doonin kulanka fiinaalaha FA Cup ee la dheeli doono toddobaadka dambe.

Shaw ma uusan dheelin daqiiqad tan iyo markii uu bishii September ku dhaawacmay Champions League ciyaartii ay la lahaayeen PSV.

Waxaa jiray warar sheegaya in Shaw uu qeyb ka noqon doono safka fiinaalaha FA Cup-ka laakiin Van Gaal waxa uu xaqiijiyey in taasi aysan dhici doonin, taas waxa ay meesha ka saartay rajadii uu xiddiga ka qabay Euro 2016.

“Waxaa murugo maxaa yeelay ma uusan gaarin heerkii uu ku dheeli lahaa. Waqti badan ayuu u baahan yahay si u u ciyaaro laakiin dhiiri galintiisa wey sareysaa,” ayuu Van Gaal yiri.

“Mar waliba waxaan dhihi jiray Luke wuu ciyaari karaa fiinaalaha si aan u dhiiri galiyo, laakiin hada sidaas ma dhihi karo., maxaa yeelay waxaan joognaa fiinaalaha!

“Wali waa wax sare waana in aan amaanaa maxaa yeelay ma fududa in ciyarta aad intaas oo dhan ka maqnaato. Wuu soo laabanayaa, laakiin waa xilli ciyaareedka dambe.”

Dambeedkii hore ee Southampton lix jeer ayuu matalay xulka England tan iyo markii uu 2014 ka mid noqday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close