HAMBALYO HAMBALYO: Barcelona oo hanatay horyaalkoodii 24-aad ee La Liga (SAWIRRO)

(Barcelona) 14 Maajo 2016 Kooxda Barcelona ayaa hanatay horyaalkoodii 24-aad ee La Liga kadib markii ay 3-0 ku garaaceen goor dhaw kooxda Granada oo ay marti u ahaayeen.

Guusha Barcelona ay ka gaartay Granada ayaa niyad jab ku ahayd Real Madrid oo dhankeeda 2-0 uga adkaatay kooxda Deportivo oo ay marti u ahaayeen.

Luis Suarez ayaa 3-leey u dhaliyay kooxdiisa Barcelona isaga oo noqday laacibkii ugu horeeyay ee horyaalka iyo gool dhalinta isku darsada tan iyo 2012/13 markaas oo Messi uu sidaas sameeyay.

Real Madrid ayaa dhankeeda goolasha uga mahad celinaysa laacibkooda Ronaldo kaas oo laga saaray ciyaarta ka hor intii aysan dhamaan.

Suarez ayaa lugta dambe ku reebay Ronaldo kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 40-aad wuxuuna 5-gool uga qaaday Ronaldo gool dhalinta La Liga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close