Torres: Waa la yaabi doonaa hadii aan isku arko liiska Spain ee Euro 2016

14630575750644

(Madrid) 13 Maajo 2016. Fernando Torres waxa uu ka hadlay sida uu u jecelyahay ka sii mid ahaanshaha Atletico Madrid sanado badan sidoo kale waxa uu rajeynayaa in lagu daro safka Euro 2016.

Weeraryahanka waxa uu ka hadlay mustaqbalka waxa uu filayo in waxa uu ka qabo ciyaaryahanada ay lacagta dhiiri galiso.

“Laba sano ayaa ka soo wareegtay markii iigu dambeysay Spain waana la yaab hadii aan liiska isku ako,” ayuu u sheegay EFE Sports.

“Waxaan rajeynayaa in aan ku jiro qorshaha Vicente del Boasque.

“Ma rabo in aan ka hadlo xulashada safka maxaa yeelay si qaldan ayaa loo fasiri doonaa.

“Waligey dhibaati kuma qabin xulashada mar waliba wax walba waan bixin jiray.

“Hadii aan rabin in aan boxo, waan ka bixi lahaa xulashada taasna waligey ma sameyn.”

Isaga oo iminka 32 jir ah, waxa uu aaminsan yahay in waqti dheer ka xigo ka fariisiga kubadda cagta.

“Waxaa jeclahay in aan sanado badan sii tartamo waxaana sidoo kale jeclahay in aan sii joogo Atletico.”

14630638456808

Laacibka Spain waxa uu diyaar garow kula jiraa Atleti oo heegan ugu jirta kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedkeeda sida La Liga, oo ay Celta Vigo la dheeli doonto iyo fiinaalah Champions League oo ay ku qaabili doonto Real Madrid.

“Waxaan rabnaa in aan loolanno oo aan guuleysano.”

“Ma wanaagsan in aad waqti badan tartan la’aan joogto”,

Torres ugu dambeyn waxa uu ka hadlay gunooyinka ciyaaryahaanda.

“Ma qaato gunooyin mana aaminsani,” ayuu yiri.

“Waan ku yaq yaqsoodaa marka ay qof dhiiri galiso guno.”

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close