SAWIRRO: Xafladda sanadlaha ee kooxda Liverpool… (Yaa loo doortay laacibka ugu fiican, sideesa loogu kala guuleystay abaal-marinnada kale?)

article-3587536-3419F05400000578-997_964x384

(Liverpool) 13 Maajo 2016 – Waxaa soo idlaatay xafladda sanadlaha ee kooxda kubadda cagta Liverpool taa oo lagu bixiyo abaal-marinno kala gadisan sida laacibka ugu fiican safka hore, kan ugu fiican 21-jirada, laacibka ugu fiican da’yarta, goolka ugu fiican iyo kuwo kale.

Phillipe Coutinho ayaa hantay abaal-marinta laacibka ugu fiican sanadka ee kooxda Liverpool kaasoo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda Reds, sidoo kale Philippe Coutinho waxa uu ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican ee kooxda Liverpool oo ay isku codeeyaan isla ciyaartoyda.

Waxana uu mar kale helay abaal-marintiisa saddexaad Philippe Coutinho waana abaal marinta goolka xili ciyaareedkan Liverpool, kaasoo ahaa goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Manchester United kulankii lugtii danbe ee Europa League ee ka dhacday Old Traffrod.

Philippe Coutinho ayaa markale helay abaal-marintiisa Afaraad wuxuuna ku guulaystay abaal-marinta xiddigii bandhigga ugu fiican xili ciyaareedkan sameeyay kooxdiisa Reds, wuxuuna abaal-marintan ku helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee kulankii Manchester City ee la ciyaaray 21-kii November 2015-kii.

Emre Can ayaa isna ku guuleystay abaal-marinta da’yarka xilli ciyaareedka kooxda Liverpool.

Abaal-marinta da’yarka xarunta barbaarinta ama Akadeemiga kooxda Liverpool waxaa ku guuleystay Brad Smith.

ABAAL-MARINADA KOOXDA LIVERPOOL OO DHAMMAYSTIRAN:- 

Laacibka xilli ciyaareedka: Phillipe Coutinho

Goolka xilli ciyaareedka: Philippe Coutinho (Kulankii Manchester United ee Europa League)

Ciyaaryahanka ay ciyaayahannada kooxda soo doortaan: Philippe Coutinho

Bandhigga ugu fiicnaa kooxda ee sanadka Philippe Coutinho (kulankii Manchester City ee dhacay bishii November)

Da’yarka sanadka: Emre Can

Ciyaaryahanka Akadeemiga sanadka: Brad Smith

Xiddiga sanadka ee dumarka: Martha Harris

Taageeraha kooxda ee sanadka: Gauteng Supporters’ Club of South Africa

SAWIRRO:

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 article-3587536-3419F05400000578-997_964x384

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close