Roy Hodgson oo loogu baaqay in uusan ka tagin Marcus Rashford

(London) 13 Maajo 2016. CHRIS KAMARA waxa uu qabaa in Roy Hodgson uu Euro 2016 geeyo Marcus Rashford.

573471dfb9f2a_GettyImages516703050

Weeraryahanka da’yarka ah ee Manchester United waxa uu Premier League-ga gil gilay dhowr bilood.

Rashford waxa uu 7 gool dhaliyey 16 kulan oo uu u saftay United dhamaan tartaada, Roy Hodgson waa suuragal in uu kooxdiisa Euro 2016 ku daro.

Kamara oo ah falanqeeye Telefishin ayaa qaba in Rashford uu tago Euro-ga.

“Waxaas ayaa kaa bilow cajiib ah….uma ekeen mid wax uu la yaabo arkay,” ayuu Kamara si gaar ah ugu sheegay Starsport.

“Inta uu sii socdo oo wax weyn noqon karaa.

“Waxaan rajeynayaa in Hodgson uu wato si uu khibrad Euro-ga ah u helo ma aha oo kaliya in uu ciyaarayo.

“Laakiin waa in uu wado maxaa yeelay waxa uu qeyb ka ahaan doonaa safka England waqti aad u dheer.

“In aad koox dhibtooneysa aad boos ka hesho oo aad sameyso sidii wacneyd ee uu sameeyey ayaa ku tuseysa sida uu u wanaagsan yahay. Wuu ka sii fiicnaanayaa oo kaliya.”

Tababaraha England waxaa lagu qasbay in uu dib u dhigo magacaabidda safkiisa isniinta soo socota madaama uu qiimeyn doono taam ahaanshaha xiddigihiisa.

Danny Welbeck iaga 9 bilood ayuu garoomada ka maqnaan doonaa dhaawac awgiis.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close