Real Madrid oo bayaan rasmi ah ka soo saartay taageerayaashii ay ka xasuuqday Daacish!

(Madrid) 13 Maajo 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa bayaan rasmi ah ka soo saartay taageerayaasheedii lagu xasuuqay maqaayad ku taala tuulada Balad ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Real Madrid ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ciyaartoydeedu ay muruqa ku xiran doonaan maro madow kulanka 6-da maqribnimo ay u safri doonaan kooxda Deportivo.

“Real Madrid waxay ka xuntahay weerarkii lagu qaaday taageerayaasheeda dalka ciraaq, halkaas oo lagu dilay 16 qof 20 kalena lagu dhaawacay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda reer Spain.

“Kooxdu aad ayeey uga murugaysantahay wixii dhacay waxayna tacsi u dirayaan ehelada iyo asxaabtii dadka geeriyooday, waxayna caafimaad deg deg ah u rajaynayaan intii dhaawacantay”.

“Ciyaartoyda Real Madrid waxay soo xiran doonaan calaamado madoow kulanka barri iyaga oo u baroor diiqaya taageerayaashii la xasuuqay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close