Mauricio Pochettino: Waa riyo ii rumowday la kulankii Sir Alex Ferguson

Pochettino

(London) 13 Maajo 2016. Tabababaraha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino  waxa uu ku tilmaamay la kulankii kaartiistihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ‘Riyo rumowday’.

Fergie iyo ninka reer Argentine waxa ay toddobaadkan ku kulmeen maqaayad ku taal London, taas oo keentay in maamulaha Spurs lala xiriiriyo shaqada Old Trafford.

Hayeshee, waxa uu hada saxiixay qandaraas waqti dheer ah oo uu kula sii joogayo dhinaca ka ku dheela White Hart Lane, Pochettino waxa uu sheegay in ka tagitaanka waqooyiga London uusan ka hadlin.

“Cajiib ayey ahayd, riyo rumowday,” ayuu Pochettino yiri. “Markii aan waayahayga tababare bilaabay waxa uu ahaa kaan ku daydo, aan dib u milicsado.

“Waa shaqsi dhamaan aan wax ka baran karno. Waxa uu leeyahay taariikh cajiib ah oo kubadda cagta ah iyo nolosha.”

Pochettino hore waxa uu u sheegay raadka uu Ferguson uga tagay Old Trafford in uu isna ku reebo Tottenham HotSpur.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close