Man City oo wadahadalo meel wanaagsan maraya la leh N’Golo Kante

(Manchester) 13 Maajo 2016 Kooxda Man City ee dalka ingiriiska ayaa wadahadalo meel wanaagsan maraya kula jirta laacibka qadka dhexe ee kooxda Leicester City N’Golo Kante.

L’Equipe ayaa shaacisay in masuuliyiin ka socda kooxda Man City ay laba mar kulan la yeesheen N’Golo Kante, waxaana la xaqiijiyay in wadahadalada labada dhinac lagadareemayo hormar fiican.

Man city ayaase dareensan inay loolan adag kala kulmayaan kooxda Arsenal oo dhankeeda doonaysa inay soo afjarto saxiixa Kante ka hor koobka qaramada qaarada yurub.

N’Golo Kante ayaa kula jira Leicester City heshiis lagu burburin karo aduun lacageed dhan 20 milyan oo Ginni kadib markii uu ugu soo biiray suuqii xaggaaga 5.6 milyan oo Ginni.

Tababare Pep Guardiola ayaa bartilmaameed xoogan ka dhiganaya N’Golo Kante suuqa xaggaagan si uu ugu buuxiyo booska lafilayo inuu baneeyo Yaya Toure.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close