Kooxda Borussia Dortmund oo soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee xilli ciyaareedka dambe… + SAWIRRO

(Dortmund) 13 Maajo 2016 – Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee waddanka Jarmalka ayaa soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka soo socda ee 2016-17.

Shirkadda Puma ayaa maaliyadaan sameysay, waxaana Dortmund ay xiran doontaa xilli ciyaareedka soo socda, maaliyadooda ka samaysan midabka Jaalada iyo kan madowga ah.

Waxa ay maaliyadaan ku leedahay xariiqmo waa weyn oo madow afka hore iyo si la mid ah garbaha maaliyadda, shirkadda ay kooxda xayaysiiso ee Evonik ayaa iyadana lagu xardhay afka hore ee maaliyadda, waxaana kula wehliya calaamadda Dortmund iyo bisada shirkadda Puma ay caanka ku tahay.

SAWIRRO:

1-10 2-9 3-4 4-6 5-4 6-2-638x570 7-638x929 8-620x412 9-620x418 PUMA-Borussia-Dortmund-Reveal-New-Home-Kit-for-201617-Season

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close