Koox cusub oo ku soo biirtay doonista Zlatan kadib markii uu shaaciyay inuu katagi doono PSG

(Paris) 13 Maajo 2016 Kooxda Los Angeles Galaxy ee dalka Maraykanka ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weerar yahanka ka tagaya PSG ee Zlaan Ibrahimovic.

Kabtanka xulka Sweden ayaa si rasmi ah u shaaciyay maanta inuu isaga tagi doono PSG dhamaadka xiliciyaareed kan inkasta oo uusan shaacin halka uu ku wajahanyahay.

Sida ay baahisay Marca Los Angeles Galaxy ayaa diyaar u ah inay loolan lagasho Man United iyo Arsenal kuwaas oo lala xiriiriyay laacibka reer Sweden.

Zlatan Ibrahimovic ayaa horay u shaaciyay inuu soo dhawayn doono ka ciyaarista horyaalka MLS-ka ee dalka maraykanka wuxuuna yiri:

“Dabcan waan jeclahay in maalin uun aan ka ciyaaro maraykanka, waxay koriimo u samaynayaan dhanka toosan, 10 sano gudahood wuxuu horyaalka MLS-ku la mid noqon doonaa horyaalada qaarada yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close