Chelsea oo laga yaabo in ay Olympic Stadium la wadaagto West Ham

Chelsea1

(London) 13 Maajo 2013. West Ham waxa ay ku dambeyn kartaa in ay gegida Olympic la wadaagto Chelsea kaddib markii ay Blues wada xaajood la furtay shirkada London Legacy Devlopment Company (LLDC) taas oo ku saleysan adeegsiga Stratford site.

Dubeyaasha waxa ay u wareegi doonaan gegidooda cusub xagaaga kaddib markii ay kulankii ugu dambeeyey ku dheeleen Boleyn ground salaasaddii ciyaartii ay 3-2 uga badiyeen Manchester United.

Cheslea waxa ay ka maqnaan doonaan Stamford Bridge muddo saddex sano  ah oo dib u dhis baalaarin iyo casriyen lagu sameyn doono.

Hase yeshee, kooxda  ka dhisan galbeedka London waxa ay qorsheeneysaa in ay West Ham la isticmaasho Olympic Stadium hadii ay ku hungowdo helida Wembley.

OLY-2012-PARALYMPICS-FEATURE

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close