Ancelotti oo u sheegay Chelsea inay la wareegi karaan Mario Gotze laakiin waa haddii..

(Munich) 13 Maajo 2016 Tababaraha cusub ee kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa u sheegay kooxda Blues inay la wareegi karto Mario Gotze suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

The Sun ayaa baahisay in Ancelotti uu u sheegay isbuucyo ka hor kooxda Chelsea inay la wareegi karaan Mario Gotze haddii ay bixinayaan 35 milyan oo Ginni.

Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa aad ula dhacsan qaab ciyaareedka Mario Gotze wuxuuna ku faraxsanyahay inuu ka mid noqdo kooxda uu la soo shirtagi doono xiliciyaareedka soo socda.

Chelsea ayaa la soo sheegayaa inay wadahadalo rasmi ah la bilowday wakiilka 23 jirka reer German kaas oo ah dhaliyihii goolkii xulka Germanku uu ku qaaday koobkii aduunka ee 2014.

Mario Gotze ayaa sidoo kale aad loola xiriirinayaa kooxaha Liverpool iyo Borussia Dortmund oo dhamanatood doonaya inay la wareegaan suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close