Saddex sano kaddib Roberto Martinez oo laga cayriyey shaqada tababarenimo ee kooxda Everton

roberto_martinez_pa

(Liverpool) 12 Maajo 2016 – Everton ayaa shaqada tababarenimo ka cayrisay Roberto Martinez, kaddib muddo saddex sanadood ah oo uu laylinayey kooxdaas.

Kooxda Martinez ayaa ku jirta kaalinta 12-aad Premier League, waxaana ay guuldarro 3-1 kala kulmeen Sabtidii naadiga ku guuleysatay horyaalka ee Leicester City, isla markaana waxa ay guudarro kale oo 3-0 ka soo gaartay xalay kooxda Sunderland oo doonaysay inay iska bad-baadiso inay u laabato heerka labaad ee Ingiriiska.

Toffees kooxda lagu naanayso ayaa sidoo kale lumisay xilli ciyaareedkan Semi-final-ada tartammada FA Cup iyo League Cup.

Waxaa kaliya oo ay guul gaareen shan jeer kulamada ay ku ciyaareen garoonkooda xilli ciyaareedka oo dhan, waxaana ay xaqiijiyeen inay ku dhammaysteen dhibcihii ugu yaraa garoonka Goodison Park, tan iyo sanadkii 1981-kii.

Kooxda Everton ayaa la rajaynayaa inay bayaan ka soo saarto cayrinta tababareheeda, isla markaana ay si rasmi ah u xaqiijiso go’aankeeda.

Jariirada Express ayaa fahansan in xilka Everton loo dhiibi doono Frank de Boer, kaa oo usbuucan isaga tagay Ajax lix sano kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close