Ma garaneysaa sababta ay Jeenyo iyo Heegan u xirnaayeen funaanadaha isku eg kulanka maanta ee horyaalka Soomaaliya…(Ogoow sababta+SAWIRRO)

(Muqdisho) 12 Maajo 2016. Ciyaarta iminka ka soconeysa garoonka Banaadir ee horyaalka Soomaaliya ee u dhaxeysa kooxaha LL.PP. Jeenyo iyo Heegan ayaa dha-dhan kale xambaarsanayd.

Labada kooxood ayaa soo galay garoonka iyagoo xiran maaliyado cad cad oo ay ku qoran tahay GOOL FM maadaama ay u dabaal dagayeen sanad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii dhidhibada loo aasay idaacadeena GOOL FM.

Ciyaarta oo qeyb ka ah horyaalka Soomaaliya ayaa gabo gabo ah, waxaana kulanka ku hoos qarsanaa koob ay idaacada GOOL FM dhex dhigtay labada koox maadaama ay u dabaal dageyso sanad guuradeedii afaraad oo ku beegan 15-ka bishan.

Haddaba natiijada ciyaarta marka laga eego dhanka horyaalka Soomaaliya iyo dhanka koobka GOOL FM ayaan dib idin kala soo socod siin doonnaa iyo cidda hanata koobka sanad guurada idaacadeena.

SAWIRRO:

gool gool1 gool2 gool3 gool4 gool5 gool6 gool7

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close