Kooxdii ugu fiicnayd xilli ciyaareedka horyaalka Serie A oo la soo saaray… (Juventus oo xiddigaha ugu badan ku leh)

(Turin) 12 Maajo 2016 – Iyadoo ay hal kulan oo qura ka harsan yahay horyaalka Serie A, isla markaana Juventus ay hanatay horyaalka Serie A ayay shabakadda ciyaaraha ee Goal.com soo saartay kooxdii ugu fiicnayd xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Kooxda ugu fiican xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A ayaa waxaa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda hanatay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan ee Juventus, waxaana ay ku leedahay afar ciyaaryahan.

Kooxda labaad ee xiddigaha ugu badan ku leh 11-ka ciyaaryahan ee xilli ciyaareedkan ugu fiican horyaalka Serie A waa kooxda Napoli oo ku leh saddex ciyaaryahan, halka Roma ay ku leedahay labo xiddig.

Inter Milan iyo AC Milan ayaa shaxdan lagu qadiyey oo aan hal ciyaaryahan xitaa laga soo dooran, maxaa yeelay waxa ay xilli ciyaareedkan ku jireen qaab ciyaareed hooseeya.

Halkaan hoose ka eeg kooxda xilli ciyaareedka 2015/16 ee Serie A, shaxdeeduna waa 3-5-2:-

serie-a-totw-reveal_b477p5uh34g91pn48824np3fh

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close