Jurgen Klopp oo xalay kulankiisii 50-aad hoggaamiyey kooxda Liverpool… (Meeqa guul ayuu la gaaray Reds?)

P151031-006-Chelsea_Liverpool-549x420

(Liverpoo) 11 Maajo 2016 – Tababare Jurgen Klopp ayaa kulankii xalay ay barbaraha kala kulmeen Chelsea waxa uu ahaa kulankiisii 50-aad ee uu hoggaamiyo Reds, kaliya 217 maalmood.

Kulankii xalay oo ka tirsanaa horyaalka Premier League ayey Liverpool garoonkeeda Anfield ku soo dhawaysay kooxda Chelsea, waxaana gool uu Blues u dhaliyey qeybta hore Hazard beeniyey Benteke dhammaadkii ciyaarta.

Jurgen Klopp ayaa 50 kulan ee uu layliyey kooxdiisa Liverpool guul gaaray 23 kulan, isla markaana barbaro galay 15 kulan, waxaana uu guuldarraystay 12 kulan.

CiNXqMMXAAAR856

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close