HADALKA HALYEEY HORE: Daniele Massaro oo rajo wayn ka muujiyey iibka Milan!

(Milano) 12 Maajo 2016 – Jookarkii hore ee kooxda AC Milan ee Daniele Massaro, ayaa sheegay in kooxda Rossoneri ay u socoto dhanka Bariga Fog iyo China.Mar uu u warramayey warsidaha wayn ee Corriere dello Sport ayuu ka hadlay wada xaajoodyada haatan ka dhex soconaya kooxda Milan iyo maalqabeennada reer China ee doonaya inay iibsadaan.

“Waloow sanadihii dambe aysan qurxoonayn xaaladda garoonku, misna funaanadda AC Milan waa mid aad u culus caalamiyan. Markii si dhab ah loo hadlana Ali Baba wuxuu dhaqaale ahaan awoodaa inuu iibsado AC Milan iyo Serie A oo idil.” ayuu yiri Massaro.

”Markii laga hadlo dhabnimada maalgelintan cusub, Chinese-ku reera dhib ma aha, had iyo goor waxay doonayaan natiijada ugu wanaagsan, waxayna doonayaan inay lacag gashadaan kooxda waana ka dhab.” ayuu raaciyey.

Wada xaajoodyada ayaa lagu wadaa inay kusoo idlaadaan 35 maalmood oo ka bilaabmay Talaadadii, waxayna wararkii maanta soo baxay sheegayeen inuu Berlusconi mabda’ ahaan ogolaaday inuu kooxda wareejiyo, balse weli war rasmi ah lama hayo.

Ali Baba – waa sharikad uu leeyahay Jack Ma oo lagu tilmaamo ninka ugu taajirsan Shiinaha kana mid ah ragga haatan la xaajoonaya AC Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close