Arsenal oo isku dayaysa inay dhamaystirto saxiixa Granit Xhaka ka hor Euro 2016

Borussia Monchengladbach midfielder Granit Xhaka is in advanced talks over a move to Arsenal

(London) 12 Maajo 2016 Kooxda Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Granit Xhaka.

Mail ayaa daaha ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu iskudayayo inuu soo xero galiyo 23 jirka reer Switzerland ka hor inta uusan bilaaban koobka qaramada qaarada yurub bisha 6-aad.

Arsenal ayaa miiska u saartay Monchengladbach aduun lacageed dhan 35 milyan oo Ginni taas oo la sheegay in kooxda reer German ay durbadiiba aqbashay dalabka Gunneres.

Arsene Wenger is keen to complete the deal before Euro 2016 as interest in the midfielder could increase

Labada kooxood ayaa doonaya inay dadajiyaan heshiiska si Monchengladbach ay u hesho badalkiisa, laacibkaan ayaana u sheegay asxaabtiisa inuu ka soo muuqan doono Emirates xiliciyaareedka dambe.

Tababare Wenger ayaa ka taxadaraya in kooxo kale ay la soo galaan tartanka haddii uu sugo ilaa dhamaadka Euro 2016 laakiin kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa diyaar u ah inay dadajiso saxiixa Granit Xhaka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close