Zlatan Ibrahimovic oo iska diiday inuu noqdo laacibka ugu mushaarka badan aduunka

(Paris) 11 Maajo 2016 Weerar yahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa iska diiday inuu noqdo laacibka ugu mushaarka badan aduunka.

L’Equipe ayaa sheegaysa in Zlatan Ibrahimovic uu iska diiday dalab uga yimid horyaalka shiinaha kaas oo ka dhigi lahaa laacibka ugu mushaarka badan aduunka.

Zlatan Ibrahimovic ayaa go’aansaday inuu isaga tago dhamaadka xiliciyaareed kan kooxda PSG maadama qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka bisha 6-aad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Zlatan sidoo kale uu iska diidi doono ku biirida kooxda Man United oo dalab ula taagan haddii aysan u soo bixin Champions League.

34 jirkaan ayaa doonaya inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa ka hor euro 2016, waxaana loo badinayaa inuu la sii joogo PSG ama uu dib ugu laabto AC.Milan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close