Waa maxay danta Juventus ugu jirta ku biiridii Mats Hummels ee Bayern Munich?

(Turin) 11 Maajo 2016 Kooxda Juventus ayaa ku faraxsan in kabtankii Borussia Dortmund Mats Hummels uu ku biiro kooxda Bayerrn Munich.

Juventus ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirta sidii ay ku heli lahayd daaficii hore ee Roma Mehdi Benatia kaas oo haatan u ciyaara Bayern Munich.

Imaanshaha Hummels ee Bayern Munich ayaa ka dhigaya Mehdi Benatia inuu isaga tagi doono kooxda reer German suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

TuttoMercato ayaa shaaca ka qaaday in Juventus ay doonayso inay si fudud ku qaadato 29 jirka daafaca uga ciyaara Bayern ee Mehdi Benatia kaas oo doonaya qudhiisa inuu dib ugu soo laabto horyaalka talyaaniga.

Juventus ayaase loolan adag kala kulmaysa kooxdiisii hore ee Roma oo dhankeeda doonaysa inay dib u hesho daafacoodii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close