SAWIRRO: Xafladda sanadlaha ee kooxda Liecester City… (Yaa loo doortay laacibka ugu fiican, sideesa loogu kala guuleystay abaal-marinnada kale?)

(Liecester) 11 Maajo 2016. Waxaa soo idlaatay xafladda sanadlaha ee kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Liecester City taa oo lagu bixiyo abaal marinno kala gadisan sida laacibka ugu fiican safka hore, kan ugu fiican 21-jirada iyo laacibka ugu fiican da’yarta, goolka ugu fiican iyo kuwo kale.
Riyad Mahrez ayaa hantay abaal marinta laacibka ugu fiican sanadka ee kooxda Liecester City kaa oo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda Foxes.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa isna loogu doortay laacibka ugu fiican ee kooxda Liecester City oo ay isku codeeyaan isla ciyaartoyda.
Wiilka reer England Ben Chilwell ayaa loo doortay isna laacibka ugu fiican 21-jirada Liecester City.
Waxaa sidoo kale la qadin oo loo doortay laacibka ugu fiican da’yarta Liecester City Jeffrey Schlupp.
Inkastoo lagu garaacay laacibka sanadka ee kooxda Liecester City Jamie Vardy ayaa isna ku guuleystay abaal-marinta goolka ugu qurxoon kooxda waana tii uu ka dhaliyay Liverpool.
ABAAL-MARINADA KOOXDA LIECESTER CITY OO DHAMMAYSTIRAN:-
Laacibka xilli ciyaareedka: Riyad Mahrez
Goolka xilli ciyaareedka: Jamie Vardy (v Liverpool)
Ciyaaryahanka ay ciyaayahannada kooxda soo doortaan: N’Golo Kante
Bandhigga ugu fiicnaa kooxda ee sanadka: Leicester 3-1 guushii ay ka gaaray Manchester City garoonka Etihad.
Da’yarka sanadka: Jeffrey Schlupp
21-jirka ugu fiican sanadka: Ben Chilwell
Ciyaaryahanka Akadeemiga sanadka: Admiral Muskwe
SAWIRRO:
Gool FM.