Maxwell oo ka tagi doona PSG (Ogoow sababta?)

(Paris) 11 Maajo 2016 Daafaca reer Brazil ee kooxda PSG Maxwell ayaa la soo sheegayaa inuu isaga tagi doono kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laacib kaan ayaa sugayay in la siiyo Passport-ka faransiiska laakiin wasaarada arimaha dibada ee dalkaas ayaa diiday qorshaha Maxwell sida ay shaacisay L’Equipe.

PSG ayaa ka codsatay wasaarada arimaha dibada ee faransiiska in Passport la siiyo 34 jirka reer Brazil ee Maxwell laakiin wasaarada ayaa diiday dalabka PSG.

Sababtaas darteed ayaa la shaaciyay in Maxwell oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kan uu isaga tagi doono kooxda reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close