Maalgashadayaasha Chinese-ka ah oo garoon cusub u dhisaya AC Milan!

(Milano) 11 Maajo 2016 – Maalgashadayaasha Chinese ah ee shalay si rasmi ah loogu ogolaaday inay la xaajoodaan Fininvest si ay u iibsadaan saamiga ugu badan AC Milan ayaa sida uu sheegay la taliyohooda Sal Galatioto waxay dhaqse u doonayaan in heshiiska lasoo afjaro, iyagoo qabsaday 35 maalmood oo shalay ka bilaabmayey.

Warsidaha La Repubblica ayaa war uu in yar kahor qoray wuxuu ku tibaaxay in Chinese-ku ay doonayaan inay kooxda u dhisaan garoon cusub, iyadoo ay AC Milan mashruuc noocaas ah hadal haysey waloow uu dhagax hertiyey markii dambe.

Barbara Berlusconi ayaana isku dayday, balse kaddib markii ay ku guulaysteen tartan ay u galeen dhul ku yaalla Portello oo ay leedahay Fondazione Fiera Milano waxay dib u qaadeen dhowr tillaabo.

Haatan ayaase la leeyahay mashruucaasi wuxuu ka mid noqon doonaa kuwa ugu horreeya ee lagu dhaqaaqo, waase haddii ay AC Milan la wareegaan bilyineerradan Chinese-ka ah oo doonaya inay kooxda ka dhigaan brand mar kale caalamka ka dhex muuqda, waxayse wax kastaahi ku xiran yihiin moowqifka Berlusconi oo ah shakhsi is bed bedel badan, waloow ay rajo muujinayaan.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close