Laacibka iyo tababaraha ugu fiican bisha ee Premier League oo la magacaabay

(England) 11 Maajo 2016 – Tababare Claudio Ranieri iyo dhaliyaha sare ee Sergio Aguero ayaa loo magacaabay laacibka iyo tababaraha ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee April horyaalka Premier League.

Macallinka Claudio Ranieri ayaa ku guuleystay abaal-marintan kaddib markii uu kooxda Leicester City, ku hoggaamiyey horyaalkii sida lama filaanka ah ay ku qaadeen ee Premier League.

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa isna loo magacaabay ciyaaryahanka bisha ee Premier League, kaddib markii bishii la soo dhaafay ee April uu lix kulan oo xiriir ah gool dhalinaayey.

Goolasha Sergio Aguero uu dhaliyey bishaas waxaa ku jiray saddexleeydii cajiibka ahayd oo uu kaga dhaliyey kooxda Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge, kulankaas oo ay ku adkaatay Man City 3-0.

EPL

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close