KARTUUNKA MAANTA: Taageerayaasha kooxda West Ham oo weeraraya Baskii Man United

(London) 11 Maajo 2016 – Macasalaamayntii West Ham ee garoonka Upton Park ee xalay ayaa dhinac ka qurxoonayd maaddaama ay garaaceen kooxda Manchester United, balse dhanka kale way ka foolxumayd waayo taageerayaasha Hammers ayaa dhalooyin ku weerareen baska kooxda Man Utd.

Waxaa bannaanka garoonka iskugusoo baxay kumannaan taageere oo Boleyn Ground ku salaamayey kooxda Slaven Bilic, balse wuxuu jawigu foolxumo isu bedeley markii uu baska Man Utd soo galay jidka Green Street, iyadoo ay xitaa jabtay muraayadda baska United.

Ciyaarta ayaa Man Utd 3-2 looga adkaaday, iyadoo ilaa daqiiqaddii 76-aad 2-1 ku hoggaaminaysey, balse waqtigaas kaddib ayaa 2 gool laga dhaliyey, waxayna taasii god wayn ka qodday rajadii United ee CL.

Haddaba fannaanka farshaxanka ciyaaraha ee Omar Momani ayaa maanta ku xusay kartuunkiisa, waxaana uu soo sawiray taageerayaasha West Ham oo weerar ku qaadaya Baska Man United.

west-ham-trash-united-bus_hka3glabx75l12efj1rmceqkq

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close