FA-ga oo baaritaano kuwada dhacdooyinkii xalay ee gegida Upton Park

3404DBF300000578-3583440-The_extent_of_the_damage_to_the_windows_was_clear_for_all_to_see-a-18_1462906601657

(London) 11 Maajo 2016. Xiriirka kubadda cata England ayaa xaqiijiyey in baaritaano lagu sameyn doono falkii ay geysteen jamaahiirta West Ham kahor kulankii xalay.

45 daqiiqo ayaa dib loo riday kulankii xalay ku dhex maray West Ham iyo United gegida Boleyn Ground xasaro ay geysteen jamaahiirta martida loo ahaa awgeed.

Walxo ayaa lagu soo tuur tuuray baskii kooxda Manchester United ay garoonka ugu soo socdeen.

“FA-ga waxa ay cabaareenayaan dhacdadii caawa ee qabsatay baska Manchester United ee ka dhacday banaanka garoonla, walxo ayaa lagu tuuray  oo ka imanayey qeybta jamaahiirta martida loo yahay intii ay iyaarta socotay,” ayaa lagu yiri warbixin.

“Si dhow ayaan ula shaqeyn doona labada koox iyo booliska deegaanka si aan baaritaan buuxa sheekada ugu sameeno.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close