Danny Welbeck oo 9 bilood loo jaray kadib qaliin looga sameeyay jilibka

(London) 11 Maajo 2016 Weerar yahanka kooxda Arsenal Danny Welbeck ayaa la shaaciyay inuu garoomada faarujin doono mudo dhan 9 bilood kadib markii qaliin looga sameeyay jilibka midig.

Laacib kaan ayaa ku dhaawacmay kulankii Arsenal ay 2-2 lagashay axadii kooxda Man City waxaana la xaqiijiyay inuu seegi doono koobka qaramada qaarada yurub ee 2016.

Danny Welbeck ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa Arsenal ilaa bisha February ee 2017 taas ayaana ku qasbaysa tababare Wenger inuu baadi goobo weerar yahan suuqa xaggaaga.

Arsenal ayaa bogeeda soo dhigtay in Danny Welbeck qaliin looga sameeyay jilibka midig isla markaana uu u baahanyahay 9 bilood si uu u soo kabsado.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close