Chelsea oo iska iibineysa Costa si ay u hesho Higuain

cost2

(London) 11 Maajo 2016. Gonzalo Higuain ayaa ku dhow inuu u soo dhaqaaqo kooxda Chelsea sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.

Saxafiga reer Spain Guillem Balague ayaa maqaalkiisa jariiradda AS ku sheegay in Chelsea ay wada hadalo hor marsan kula jirto kooxda reer Talyaani si ay u hesho dhaliyaha reer Argentina.

Adduun dhan 38-milyan oo bound ayaa la sheegayaa in lagu doonayo Higuain iyadoo Antonio Conte uu eeganayo laacibkan. Blues ayaana dabo eryaneysay Higuain waqti dheer.

28-jirkan ayaa dhaliyay 33 gool 34-kulan uu Serie A ka soo muuqday kal ciyaareedkan waxayna ku dhawaaneysaa Chelsea sida la warinayo inay gacanta ku soo dhigto Higuain.

Laakiin Diego Costa wuxuu dib ugu laaban karaa kooxdiisii hore ee Atletico Madrid si lacagaha halkaa ka soo baxa loogu kordhiyo midka ay ku doonayaa dhaliyaha kooxda Napoli.

costa

Guillem Balague ayaa warkiisa ku daray in weeraryahanka Chelsea uu la qabsan kari la’yahay kuna dhibtooday nolosha Engaland, qaab ciyaareedkiisa ayaa hoos u soo dhacay xilli ciyaareedkan marka lala bar-bar dhigo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kooxda uu wacdaro ku bilowday.

Inuu dib ugu laabtana La Liga xagaagan waa suuro gal gaar ahaan haddii uu Higuain soo cago dhigto gegida Stamfrod Bridge.

Blues ayaa rajeynaysa inay Costa ku hesho adduun dhan 24-milyan si ay lacagtaa uga caawiso inay la soo wareegaan gool dhaliyaha ugu sarreeya Seria A ololahan.

  costa1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close